Mogadishu (Gudaha.com) — Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah ugu dartay Somaliland nidaamka cusub ee dal-ku-galka elektarooniga ah ee E-Visa, taasoo micnaheedu yahay in dadka kasoo jeeda Somaliland laga doonayo fiisaha elektarooniga ah haddii ay doonayaan inay soo galaan gudaha Soomaaliya. ✈️
Nidaamkan E-Visa-ha oo horey loogu bilaabay socdaalka caalamiga ah, ayaa hadda si lama-filaan ah ugu daray Somaliland, arrin bulshada iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ku noqotay yaab, muran iyo su’aalo cusub. 🤯
Warbixinno la helay ayaa muujinaya in magaca Jama Maxamed Cabdullaahi Gaabuush iyo Dr. Maxamuud Maxamed Cabdullaahi, oo ah walaalka Madaxweynaha Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi Cirro, lagu qoray heshiiska dhinaca Somaliland ee E-Visa-da. Labadan magac ayaa si gaar ah uga muuqday dukumentiyada rasmiga ah ee la xiriira nidaamka cusub. 📌
Sida laga soo xigtay xogta gudaha, Gaabuush hore ayaa loo sheegay inuu gacanta ku hayey qandaraas amni, oo ku saabsanaa bixinta muraayadaha “bullet-proof”-ka ah ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, taasoo arrintan ka dhigtay mid sii kicinaysa shaki iyo falcelin siyaasadeed. 🔍
Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay sii xoogaystaan doodo, muran siyaasadeed iyo su’aalo ku saabsan saamaynta siyaasadeed ee go’aankan, iyo waxa uu ka dhigan yahay mustaqbalka xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeisa. 🇸🇴



