Warbaahinta Gudaha.com ayaa heshay xog gaar ah oo muujinaysa in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe.
Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Gudaha.com in Madaxweyne Xasan uu labada masuul ku wargeliyay in bilowga bisha November uu Baydhabo ka dhici doono doorasho furan oo loogu tartamayo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Wararka aan helnay ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Madaxweyne Laftagareen uu go’aanka si farxad iyo xasilooni leh u qaatay, isagoo muujiyay inuu ku faraxsan yahay in hoggaanka uu si nabad ah ugu wareejiyo cidda la dooranayo. Waxaa la sheegay inuu qorsheynayo sagootin rasmi ah oo uu kula macsalaamaynayo shacabka Koonfur Galbeed iyo madaxda dowladda federaalka.
Doorashadan la filayo inay dhacdo bilowga November ayaa loo arkaa mid taariikhi ah, iyadoo ay calaamad u noqon karto xasillooni siyaasadeed iyo isbeddel cusub oo ka hirgala Koonfur Galbeed.
Gudaha.com ayaa si dhow ula socon doonta xaaladda Baydhabo iyo diyaar garowga doorashada.



