Muqdisho, 15 Sebteembar 2025 – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada ka tirsan beesha Jareerwayne ayaa sheegay inay ka cabanayaan cadaadis iyo bartilmaameed siyaasadeed oo ay ku hayaan hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Cabashadan ayaa soo baxday kadib markii dhowr dhalinyaro ah oo ka soo jeeda beeshaas lagu xiray magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku baahiyeen muuqaal aflagaado ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaana dadka deegaanka qaarkood sheegeen in tallaabadan ay ka tarjumayso cadaadis siyaasadeed oo si gaar ah loogu jeediyay beesha Jareerwayne, inkasta oo masuuliyiinta dowladda aysan si rasmi ah u caddeyn arrintaas. Booliska ayaa dhankooda ku adkeysanaya in xariga dhalinyaradu uu yahay mid sharci ah oo la xiriira aflagaado iyo faafinta hadallo dhaawacaya karaamada madaxweynaha.
Xubno ka tirsan bulshada rayidka ah ayaa ugu baaqay dowladda in ay xaqiijiso in sharciga loo wada siman yahay, islamarkaana aan tallaabooyinka amni loo adeegsan in lagu caburiyo kooxo gaar ah ama lagu xaddido xuriyadda hadalka.



