Muqdisho – Cambaareyn xooggan ayaa caawa loo jeediyey xarigga lagu qaaday saddex shakhsi oo caan ka ah bulshada, kuwaas oo si cad uga hadlay barakicinta qasabka ah ee dowladdu ka waddo gudaha dalka. Waxaa xalay ciidamada dowladda ay xireen Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Omar Cali Rooble, ganacsadaha la ixtiraamo Cabdulqaadir Maxamuud Elmi (Bullaale), iyo odayga taariikhiga ah ee 90 jirka ah Xaaji Cali Iimaan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saddexdan shakhsi loo xiray hadallo ay si geesinimo leh ugu dhaliileen tallaabooyinka barakicinta ah ee lagu eedeeyo in ay fuliyaan ciidamada dowladda ee hoos yimaada maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Goobjoogayaal ayaa sheegay in xariggu uu dhacay kaddib markii ay dadkan si cad uga soo horjeesteen ka saaridda guryaha iyo dhulka ay degan yihiin shacabka danyarta ah.
Xariggan ayaa loo arkay cadaadis dowladeed iyo isku day lagu cabsi gelinayo shacabka. Dad badan oo ka hadlay arrintan ayaa ku tilmaamay ficilkaas “weerar ka dhan ah xorriyadda hadalka iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed,” iyaga oo ku eedeeyey madaxweynaha in uu awoodda dowladda u adeegsanayo hurinta colaad, barakicinta masaakiinta, iyo boobka dhulalka shacabka.
Cambaareyntii ugu adkayd ayaa ka timid siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ah oo ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Wasiir Omar, ganacsade Bullaale, iyo oday Xaaji Cali Iimaan. Waxay ugu yeereen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu joojiyo jidka khatarta ah ee burburka horseedaya, kaas oo ay sheegeen inuu dalka iyo dowladnimada ku riixayo xaalad fowdo iyo hoos-u-dhac qoto dheer.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin xariggan iyo eedeymaha culus ee loo soo jeediyey.



