Muqdisho, 16 Oktoobar 2025 – Midowga Yurub ayaa mar kale muujiyay sida uu uga go’an yahay taageerada Soomaaliya ee dhismaha dal nabdoon, mideysan, oo awood u leh inuu ilaashado amnigiisa iyo madax-bannaanidiisa.
Safaaradda Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay wafdi ka socda European External Action Service (EEAS) iyo European Commission, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho si ay u xoojiyaan iskaashiga ammaanka ee u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya.
Intii lagu guda jiray booqashada, wafdiga Midowga Yurub ayaa kulamo la yeeshay saraakiil sare oo Soomaaliyeed, kuwaas oo diiradda lagu saaray horumarinta taageerada Midowga Yurub ee lagu dhisayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), iyada oo loo marayo barnaamijka European Peace Facility (EPF).
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu si buuxda uga go’an yahay in uu sii wado taageerada Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo iskaashi waara iyo kalsooni la dhisayo.
“Midowga Yurub waxa uu weli yahay lamaane dhab ah oo Soomaaliya la shaqeeya, isaga oo ka taageeraya dadaallada lagu dhisayo dal ammaan ah oo xasiloon. Iyada oo loo marayo European Peace Facility, waxaan ka caawinaynaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inuu si tartiib tartiib ah ula wareego mas’uuliyadda amniga dalkiisa,” ayay tiri Francesca Di Mauro.
Tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2021, barnaamijka European Peace Facility wuxuu noqday tiir muhiim ah oo ka mid ah dadaallada Midowga Yurub ee lagu taageerayo nabadda iyo amniga caalamka, iyadoo Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee ka faa’iideysta taageeradaas.
Midowga Yurub ayaa ilaa hadda ku maalgeliyay in ka badan EUR 110 milyan si loo xoojiyo CXDS, loona taageero qalab, tababar, iyo dhismaha kaabayaasha muhiimka ah. Waxaa intaas dheer, Midowga Yurub wuxuu sidoo kale bixiyay EUR 2.7 bilyan si uu u taageero howlgalada nabad ilaalinta ee Afrika, oo ay ku jiraan AMISOM iyo ATMIS, isaga oo ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka ee maxalliga ah.
Midowga Yurub ayaa sheegay inuu sii wadi doono inuu la garab istaago shacabka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo mustaqbal nabad iyo xasilooni waarta leh.



